Wafdi Balaaran oo ka kooban Madasha Guddiga Dastuurka ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleed ayaa maanta ka degay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.
Wafdigan waxaa uu ka kooban yahay Xubnaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka , GUDDIGA Madaxbanaan ee dib u eegidda iyo hirgilinta Dastuurka iyo Xubnihiisa  iyo Guddiyada Dastuurka Baarlamaanada Dawlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Puntland oo shirka marti gelinaysa.
Ujeedada kulanka labaad ee Madasha  Guddiyada dastuurka  ee heer federaal iyo heer Dawlad Goboleed oo malinta bari  ka furmi doona magaalada Garowe. Kulankaas wuxuu noqon doona bilowga la tashiga Soojeedinta Wax-ka-beddelka Cutubyada 1aad ilaa 5aad ee Dastuurka KMG ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here