Hordhac

Waxaa uu shir uga furmay Magaalada Garowe Xurunta Maamulka Puntland Hayadaya u xilsaaran Dib u eegista Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladaha Federaalka, ku was oo ku midaysan Madasha Dastuurka ee Baarlamaanka Federaal iyo heer dowlad Goboleed, Madasha Dastuurka waxaa la qabtaa sadexdii biloodba mar, waxaana lagu soo bandhigaa hadba Cutubyada ay dhamaystireen Guddiyada Dastuurka, una diyaarsan loo bandhigo latashi dadwayne. Kulankan Madasha Dastuurka wuxuu furmay markay Taariikhdu ahayd 26ka Bisha Agoosto ilaa 28keeda 2019.

Ujeedada Kulanka Madasha Dastuurka

Kulanka Afraad ee Madasha Dastuurka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa looga golleeyahay in loo soo bandhiga Guddiyada Dastuurka ee heer Dowlad Goboleed si lagu falanqeeyo aragtina uga dhiibtaan ka hor inta aan latashiga guud la samayn  Cutubyada 10, 11, 13, 14 iyo 15, kuwaas oo ah Cutubyadii ugu dambeeyay  Dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah ee ay ka shaqaynayeen Guddiga La-socod Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dibu eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

Furitaanka kulanka Madasha Dastuurka iyo Hadal jeedinta Madaxda

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Kulanka Madasha Dastuurka oo lagu daah furay Xarunta Puntlan Garowe waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaa ka mid ahaa hadal jeedintiisii “anigoo ku hadlaya afka Golaha Wakiilada Puntland in aan idin ku soo dhawayno Caasimada Dowlada Puntland isla markaana halkan ka furno kulanka 4aad ee Madasha Dastuurka, waxaan bogaadin u jeedinayaa ciddii soo abaabushay kulankan, Soomaaliya waxay leedahay taariikh waxayna horay u soo saartay Dastuuro badan, Puntland waxay markasta qayb ka tahay dhamaystirka Dastuurka wayna sii wadaysaa, waxaan rajaynayaa kulankan in uu noqdo mid miro dhal noqda, kulanka Afraadna waa noo furanyahay”.

Guddomiyaha Madasha Dastuurka

Waxaan kulankan kal-madiisa ka jeediyay Gudoomiyaha Madasha Dastuurka aha Gudoomiyaha Guddiga La socodka dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxaana ka mid ahaa hadal jeedintiisa “ Waxa noo qorshaysan in uu socdo sadex maalin oo maanta ka bilaamaysa oo ah 26 ilaa 28 ka bishaan waxaa lagu daah furayaa Cutubyada Dastuurka 10 ilaa 15 oo ah shanti cutub ee ugu dambaysay oo ay soo diyaariyeen Guddiyada Dastuurka Gudiga Madax banan iyo Gudiga La socodka ee Baarlamaanka waxaan rajaynaa Maandaaba shan iyo tobonkii Cutub la soo dhameeyay ee dib u eegista lagu sameeyay ayna naga soo wareegeen waxaan codsanaynaa in shirku noqdo miro dhal oo wixii la soo qabtay wax ku dara, waxka bedela, wax ku kordhiya in ay noqdaan ayaan raynaynaa.

Gudoomiye Ku-Xigeenka Guddiga Madaxabanaan Muunimo Sheikh Cumar

Waxaa kal madeeda jeedisay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxbanan Marwo Muumino Shiikh Cumar  waxaana ka mid ahaa hadaladeedii “Maanta waxaa farxad wayn noo ah maadaaba aan nahay Guddiga Madaxabanan ee dib u eegista Dastuurka in shan iyo tobankii Cutub aan soo dhamaynay oo uu u harsanyahay kaliya arimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed in lagu soo heshiiyo loona soo gudbiyo Guddiga si loogu bedalo qodobo dastuuri ah, waxaan kale oo aan maanta halkan u fadhinaa in aan soo bandhigno shanti Cutub ee u dambaysay horey ayaan idin kugu soo gudbinayay tobankii hore oo waxay sugayaan latashi”.

Soo Bandhigida Waxka ka Bedelka Cutubyada 10 ilaa 15 ee Dastuurka KMG

Guddiga La socodka Dib u eegista iyo Hirgalinta  Dastuurka  ayaa u soo bandhigay ka qayb galayaasha Madasha Dastuurka heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed Xildhibaan Burhan Adan Cumar ayaa sharaxaad ka bixiyay dib u eegista lagu shameeyay shantan Cutub ee horyaala Madasha Dastuurka oo ka kooban ku daris, kaabis, tiridi iyo toosin.

Samaynta Kooxo shaqo Ka qaybgalayaasha Madasha Dastuurka

Soo jeedin kadib waxaa loo qaybiyay  ka qayb galayaasha kulanka Madasha Dastuurka  Shaan kooxood oo mid walba loo dhiibay  hal Cutub in ay ka soo doodaan, falanqeeyaan soona ban dhigaan Aragdidooda ku aadan howsha ay soo qabteen Guddiyada Dastuurka ee Guddiga La socodka dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxbanaan ee dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka

Waxaa loo qaybiyay Kooxaha shaqo sida soo socota

  1. Kooxda 1aad: Cutubka 10aad iyo 11aad Guddiyada Madaxbanaan iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah
  2. Kooxda 2aad: Cutubka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowlada Federaalka
  3. Kooxda 3aad: Cutub Maaliyada Federaalka
  4. Kooxda 4aad: Cutubka Amniga Jamhuuriyada federaalka
  5. Kooxda 5aad. Cutubka Waxka bedelka Dastuurka

Maalinka 2aad

Soo jeedinta Kooxaha Aragtidooda ee Cutubyada

Kadib markii ay ka doodeen ayna falanqayn ku sameeyeen Cutubyadii laga soo shaqeeyay waxay koox kasta soo bandhigtay aragtideeda ku aadan soo jeedinta;

Kooxda 1aad: Cutubka 10aad iyo 11aad Guddiyada Madaxbanaan iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah:

CUTUBKA 10AAD IYO 11aad

GUDDIYADA MADAXABANNAAN IYO DOWLADAHA XUBNAHA KA AH DOWLADDA FEDERAALKA

27/08/2019

Waxaa diyaariyay

  • Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle, Guddoomiyaha Koox-shaqeedka;
  • Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi, Gudd. Guddiga Dastuurka Jubbaland;
  • Xildhibaan Ruun Siraad Cali, Koonfur-galbeed;
  • Xildhibaan Sayid Cali Cabdulqaadir OC, PFS
  • Xildhibaan Bashiir Geeseey, Hirshabeelle
  • Zakariya Ismaaciil, ICRIC
  • Cabdinuur wakiilada Puntland

 

Kooxda 1aad

NATIIJADA KA SOO BAXDAY
DOOD KOOXEEDKI WADATASHIGA

27/09/2019

Gogol Dhig

Kooxda loo xilsaaray ka doodista iyo falan-qeynta Cutubka 10aad ee DKMG ee ka hadlayay Guddiyada Madaxabannaan, waxay si qoto dheer u falan-qeeyeen una akhriyeen dhammaan cutubka loo xilsaaray, iyagoo xaraf xaraf u dul istaagay.

Waxayna ka soo saareen natiijo miro dhal oo waxtar u leh dib u-eegidda farsamo, wax ka bedelka iyo kaabidda Cutubka loo igmaday.

CUTUBKA 10AAD GUDDIYADA MADAXABANNAAN

NATIIJADA IYO MIRAHA

  • Kooxdu waxay akhrisay dhammaan cutubka, waxayna nuxur ahaan iyo faham ahaan uga dooday murtida qoraalka iyo guud ahaan qodobada cutubka.
  • Waxay si gaar ah u dul istaagtay khaladaadka qoraaleed ee ku jira qoraalka wax ka bedelka lagu sameeyay, qodobo iyo faqrado u baahnaa siiqeyn iyo kaabid.
  • Waxa ay sidoo kale ay kooxdu soo saartay aragtiyo iyo talooyin guud oo ku saabsan Cutubka 10aad ee dib u eegidd a farsamo lagu sameeyay cutubka iyo cutubka cusub ee Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka
  1. Waxaan soo jeedinaynaa in Qodobka 117aad, faqraddiisa 1aad ee wax ka bedelka Dastuurka, waxaan u siiqeynay sidaan: “Dalku wuxuu yeelanayaa Guddiyo madaxbannaan oo heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.
  2. 111aad samaynta guddiyada ee asalka dastuurka ee Qod.118aad ee waxkabedelka Dastuurka.

Faqradda 1aad ee 111aad, waxaa laga dhigay labo faqradood, waxaana loo siiqeeyay sidan:

  1. b) Guddiyada Madaxabannaan ee heer federaal waajibaadkooda, xilkooda iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa xeer uu aansixiyaan labada aqal ee BFS;
  2. T) Guddiyada Madaxabannaan ee heer dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka waajibaadkooda, xilalkooda iyo tiradoda waxaa lagu qeexayaa xeer ay ansixiyaan goleyaasha wakiilada dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.
  3. 111aad, faqraddiisa 2aad waxaan soo jeedinaynaa in loo qaato sida ay ugu qoran tahay asalka Dastuurka ee sidan ah: “iyadoo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah oo guddiyadaas loo xilsaaray, xubnaha ka qeybgalaya waa in lagala tashadaa in ay ka qeyb qaataan dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka soomaaliya”.
  4. Faqradda 4aad ee Qod.118aad ee wax ka bedelka waxaan soo jeedinaynaa in la caddeeyo xukunka maxkamadda, maadaama maxkamaddu xukunno kala duwan soo saarto waxaana loo qoray sidan: “xukun ciqaabeed oo kama dambays ah”.

5.Waxaan so jeedinaynaa in qodobka 119aad, xarafka “a” in laga dhigo si waafaqsan shareecada islaamka, dastuurka iyo shuruucda dalka” shareecadu ugu horeyso.

  1. Qod.119aad, xarafka “C” waxaan u siiqeynay sidan: “ka hortagga tacadiyada iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo ku wargelintooda hay’adaha ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.
  2. Qod.11C ee Qod. 120 ee wax ka bedelka waxaa la soo jeediyay in faqradda 2aad meesha laga saaro, maadaama aan loo baahnayn Booliis gaar ah;

Sidoo kale waxaan soo-jeedinaynaa in faqradda 3aad Xarafka “B” ee isla qodobka in laga saaro jumladda “falkasta oo kale ee qalin shubatanimo” maadaama ay eray qaanuuneed.

8) In awoodda guddiga la-dagaalanka musuqmaasuq awooddiisu ay ku koobnaato wacyigelin, xog uruurin, cilmi baaris iyo bandhigidda dhacdooyinka musuqmaasuqa.

Waxaan sidoo kale aan soo jeedinaynaa in wixii la xiriira arrimaha maaliyadda loo daayo, loona madaxbanneeyo Xafiiska Hanti-dhowraha qaranka.

Sidoo kale in meesha laga saaro Booliska gaarka ah iyo dacwad oogis, maadaama oogista dacwadda uu leeyahay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

  1. Waxaan soo jeedinaynaa in aan loo baahnayn Guddiga Adeegga Baarlamaanka ayna haboontahay in uu noqdo arrimou gaar ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
  2. Waxaan soo jeedinaynaa in Qod.111E in si gaar ah loo caddeeyo shaqadiisa ayadoo maanka lagu hayo in xasaasiyadda arrimaha xusuudaha, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in si quman loo qeexo shaqadiisa iyo awooddiisa.

Wixii xuduudaha la xiriiro in ay ka wada hadlaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka.

  1. Waxaan soo jeedinaynaa in Guddiga isku xirka xukuumadaha ee lagu sheegay Qod.111F aan loo baahnayn.
  2. Waxaan ku raacnay Guddiga La socodka iyo Guddiga madaxabannaan in meesha laga saaro guddiyada kala ah: 1) amaanka qaranka, 2) isku xirka xukuumadaha 3) gardoonka, 4) Runta iyo dib u heshiisiinta.
  3. Waxaa kale oo aan ku raacnay in xafiisyada iyo hay’adaha kale ama guddiyada qaar loo raro cutubyada ay ku haboonyihiin.

CUTUBKA 12AAD

DOWLADAHA XUBINTA KA AH DOWLADDA FEDERAALKA

Qodobka 112aad, faqradda 1aad ee Cutubka 10aad

  1. Waxaan soo jeedinaynaa in cinwaanka cutubka laga dhigo sidan: “ Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka”.
  2. Farqadda 1aad ee Qodobka 112 waxaan u siiqeynay sidan: “si waafaqsan Dastuurkan waxaa jiraya Dowlado xubin ka ah Dowladda Federaalka oo ka kooban ugu yaraan Labo iyo wax ka badan oo ku midoobay hal-magac , calan.
  3. Qod.113aad Qaab-dhismeedka Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka
  • Waxaan u siiqeynay faqradda 1aad sidan: “ Dowlad kasta oo ka mid ah dowladaha xubinta ka ah waxay yeelanaysaa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen”
  • Waxaan u siiqeynay faqradda 2aad ee qod,113 sidan. “ Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waxaa dooranaya Golaha Wakiilada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
  1. Qod.114aad, faqraddiisa 3aad waxaan u siiqeynay sidan: “ Golaha Wakiillada waxay dejinayaan xeerar aan ka hor imaanayn Dastuurkooda, Dastuurka iyo Xeerka Federaalka”.
  2. Meelkasta oo ay dowlad goboleed ku jirto waxaan u bedelnay “Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka”.

 

Kooxda 2aad: Cutubka 11aad. Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowlada Federaalka

Cutubkan oo kahadlayaa  Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah.

Qodobka 118aad

Waxaan meesha ka saarney Faqradda 2aad oo ka hadleysey: howl wadeenada iyo shaqaalaha dowladda kama mid noqon karaan hogamiyayaasha xisbiyada siyaasadda,maadaama horay loogu soo cadeeyey qodobka 116aad faqradiisa 5aad

Fikir soo jeedin

Waa in lagu soo daraa qodob gooni ah oo ka hadlaayo xuquuqda shaqalaha aan dowladda ahayn ee ka howlgala ,ama kuwa u shaqeeya Hay’adaha gaarka ah [Private sectors ].

Mahadcelin

Kooxda 2aad oo loo xilsaarey in ay ka doodaan ,Cutubka 11 ee shaqalaha Rayidka ee dowladdaIsla markana usoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan wax kabedelka iyo ku darista waxay aman usoo jeedinayaan guddiyadda Dastuurka iyo howlaha muhiimka ah oo ay soo qabteen

 

Kooxda 3aad: Cutub 13aad. Maaliyada Federaalka

Xubnaha Kooxda

Aamina Isaaq Mohamed

Mustafa Mohamed

Abdullahi Abukar Hussein

Ismail Abdi Abdile

Mohamed Deheeye

Abdul Abdi Farah

Abdikarim Sheikh Elmi

Abdirisak Hassan ( Ruush)

Mohamed Ali Yusf ( Gaagaab)

Jihan Ali Hassan

Cutubka 13aad ee Maaliyadda Guud

Cutubkaan wuxu ka bilaamanayaa Qodobka 122 aad ilaa iyo qodobaka 129 aad

Qodobka 122 aad  oo ka hadlaya Mabaadii’da Maaliyadda Guud wuxu ka mid yahay qodobada u bahan wada xaajood ka siyaasadeed , qodobada kale kooxdu waxeey ku raceen soo jeedintii aragtida gudiyadda

 

Qodobka 126

Bangigag Dhexe ee Federaalka (oo ah faqrad cusub ee soo kordhiyeen  Guddigayada )

-In  faqradiisa Kowaad meesha ereyga “Shuruucda”   lagu bedelo “xeerarka”

Qodobka 129 aad

Hanti Dhoowrka  Guud ee Federaalka  (oo ah Faqrad cusub ee soo  kordhiyeen  Guddigayada)

– In  Faqradiisa 5aad lagu daro  Musharaxa Hanti Dhoowrka Guud meeshii ee horay ka ehyd kaliya Musharraxa

 

Kooxda 4aad: Cutubka 14aad. Amniga Jamhuuriyada federaalka

Magacyada Groupka

  • Sadaq Abukar Garaad.
  • Maxamed Ibrahin Maxamed .
  • Foos Cali C/raxmaan
  • Axmed Maxamed Cabdi
  • Xuseen Sh.Maxamed
  • Marwo Sucaad
  • Cabdiwaxid Maxamed Wadariyaad.
  • Mahad Cabdirkarin

CUTUBKA 13AAD: DIFAACA IYO AMNIGA QARANKA

Qodobka 130aad: Ciidamadda Difaaca iyo Amniga

Qodobkaan,  dhamaan faqrooyinkiisa kala ah   ku waxaan raacney Gudiga, marka laga reebo

  1. Faqrad 4aad , Groupka markii uu ka dooday waxaa usoo jeedinayaa in Madasha dood ka yeelato in

Dowladaha xubnaha ka Federaalka ma yeelan karaan Ciidan Sirdoon ah?

Sidoo kale  faqrada 7aad
waxaa ka reeban cid kasta , koox , hay’ad ama xis.

waxuu  dood dheer ka  yeeshey in hay’adaha iyo shirkadaha ay yeelan karaan ciidan u gaar ah? Maxay idinla tahay taasna waxaan soo jeedinaynaa in dood laga yeesho .

Qodobka 131aad: Mabaadii’da Ciidamada Difaaca iyo Amniga

  • Waxuu Gruopka isla qaatey in faqro cusub lagu daro faqroyinka Qodobkan oo ah.
  • Waxaa waajib ah in heerarka ciidamada Federaalka (Heer federaal iyo Dawlad Goboleed) ay yeeshaan wadashaqeyn iyo isku xirnaan joogto ah si loo xaqiijyo ilaalinta amniga guud ee dalka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qodobka 132aad: Ku xadgudub awoodeed

Dhammaan qodobkaan waxaan ku racney Guddiga , iyo in Xafiiska Gardoonka labaabi’iyo.

Qodobka 133aad:  Xaalad Deg-deg ah

Dhamaan faqrooyinka Qodobkaan sidiisii Ayaan ku raacney , lkn waxaan soo jeedinynaa .

Marka laga hadlayo Xaalad deg deg ah Door noocee ah ayay ku yeelanayaan Dowladaha Xubnaha Ka Dowladda Federalka.

 

Kooxda 5aad. Cutubka 15aad.  Waxka bedelka Dastuurka

  1. Boosteeyo Jamac Cali  Galmudug
  2. Abdirisak Maxamed Cali  Jubaland
  3. Prof Xasan Mahad Allah  ICRIC
  4. Axmed Xariir Puntland
  5. Yusuf Cali Axmed  Kooruf Galbeed
  6. Axmed Cabdiraxman Jamac Aqalka Sare
  7. Cabdullahi Sheikh Aden             OC

Aragtida Kooxda 5aad

Q134. 1(faqro Cusub) waxaa reeban in dastuurka Qaranka dhamaantiis la bedelo ama laga guuro hal mar balse waxaa la bedeli karaa qodob ama habraac

Qodbka134  Faraqradiisa  D  ugu yaraan labo dowlad Goboleed oo  xubnaha ka ah Dowlada Federaalka

2.Wax ka bedelka dastuurka ama kaabida dastuurak… faqrada labaad

3 faqrada sedaxaad: Xeerjinta bedelo Golaha Wakiilada

Faqarada 4aad: waa in wakiillada labada aqal ee jamhuuriyada Fedearalka Soomaaliya ee ku ansixiyaan soo jeedinta waxka bedelka Dastuurka Boqolkiiba konton hal dheeri ah. Inta aan la bilaabin doodka waxka bedelka.

Q 135 Faqrada 2? Kumeel gaar.

Maalinta Sedaxaad

Maalinta Sedaxaad

Kadoodida Cutubka Dowlad Goboleedyada

Maalinta sedaxaad oo uu ajandaha ahaa ka doodida Cutub ka cusub ee ka hadlaya Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka kaas oo ay soo kor-dhiyeen Guddiyada Dastuurka, loogana golleeyahay in lagu tilmaamo qaab dhismeedkooda iyo magacyada ay qaadanayaan madaxda Dowlad Goboleedyada.

Ka hor dooda waxaa ka gayb galayaasha Madasha Dastuurka warbixin kooban oo ka hadlaysa Wadamada Federaalka ah iyo qaab dhismeedkooda dhanka maamul goboleedyada Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar isagoo tusaale u keenay  Wadamo dhawr ah, sida Pakistan, Nigeria, Ethiopia, South Africa iyo United State of America, wuxuu sharaxaad ka bixiyay magacyada ay u isticmaalaah Dowlad Goboleedyada, Goloyaasha deegaanka iyo Madaxda Maamulada.

Soo jeedinta kadib waxaa loo qaybiyay ka qayb galayaasha Shan kooxood si ay uga doodaan Magacyada Maamul Goboleedkal, Magaca qofka ugu sareeya maamulka iyo Baarlamaanka aragtina uga dhiibtaan.

 

Soojeedinta Aragtida Kooxaha Shaqo

  1. Kooxda 1aad. Soo jeedinta kooxdan waxay waafaqsantahay sida hada ay tahay waana sidan:
  1. Magaca: Dowlada Xubinta ka ah Dowlada Federaalka ah
  2. Magaca Jagada Qofka ugu sareeya: Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen
  3. Golaha Xeer dejinta: Golaha Wakiilada Dowlada Xubinta ka ah Dowlada Federaalka
  1. Kooxda 2aad. aragtida kooxda labaad waa sidan soo socota:
  1. Magacca: Dowladaha xubinta ka ah Dowlada Federaalka
  2. Magaca Jagada qofka ugu sareeya:  Madaxweyne iyo Madaxweyne ku Xigeen
  3. Xeer dejinta: Goloaha wakiilada
  1. Kooxda 3aad. Aragtida kooxda sadexaad waa sida soo socota:
  1. Magacca: Dowlad goboleed
  2. Magaca Jagada qofka ugu sareeya:  Hogaamiye
  3. Magaca golaha Xukuumada: Xoghayaal
  4. Xeer dejinta: Goloaha wakiilada
  5. Magaca heer Gobol: Gudoomiye
  1. Kooxda 4aad Aragtida kooxda afraad waa sida soo socota:
  1. Magacca:  dowlada Xubnaha ah Dowlada Federaalka
  2. Magaca Jagada qofka ugu sareeya:  Madaxa Dowlada
  3. Magaca golaha Xukuumada: Xoghayaal
  4. Xeer dejinta: Golaha wakiilada
  5. Golayaasha deegaanka
  1. Kooxda 5aad. Aragtida kooxda shanaaad waa sida soo socota:
  1. Magaca: Dowlada Goboleed
  2. Magaca jagada qofka ugu sareeya: Governor/Gudoomiye
  3. Xeer dejinta: Golaha Wakiilada
  4. Magaca golaha Xukuumada: Xoghayaal

Gobabada iyo Xiritaaanka kulanka Madasha Dastuurka

Waxaa lasoo gababeeyay kulanka Madasha Dastuurka waxaana gaba gabadii laga akhriyay warsaxafadeed laga soo saaray Madasha Dastuurka waxaa u akhriyay ka qayb galayaasha Xildhibaan Cabdi Jaamac oo ka dirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Xiritaanka waxaa hadalo kooban ka jeediyay Madaxda Gudiyada Madasha Dastuurka waxayna u mahadceliyay Maamulka Puntland iyo shacabkiisa waxaana kulanka soo xiray Gudoomiya ku xigeenka koobaad Mudane Ismaacil Maxamed Warsame isagoo u mahadceliyay Guddiyada Dastuurka iyo qaban qaabiyaasha kulanka Madasha Guddiyada Dastuurka.

Natiijada ka soo baxday Madasha Guddiyada Dastuurka

Shir  La-tashi ah oo socday  muddadii u dhexeysay 26 ilaa 28 Agoosto 2019, laguna qabtay Magaalada Garoowe ee Dawladda Puntland ayaa waxaa isugu yimid xubnaha Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka oo ka kooban Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee BFS, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiyada Dastuurka ee Golayaasha Wakiilada Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo xubno ka socda Guddoonnada Golayaasha Wakiilada Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

Shirka waxaa diiradda lagu saarey soojeedinta  wax-ka-beddelka cutubyada 10aad, 11aad, 13aad, 14aad iyo 15aad ee Dastuurka KMG ee ay diyaariyeen Guddiyada heer Federaal, waxayna natiijadii shirku noqotay sida soo socota:

  • Waxaa ay labada Guddi ee heer Federal soo bandhigeen Warbixinta Soojeedinta Wax-ka-beddelka Cutubyada 10aad, 11aad, 13aad, 14aad iyo 15aad ee Dastuurka KMG ah.
  • Sida uu qabo Qodobka 133 faqradda 8 (e), Xubnaha Madasha Guddiyada Dastuurka waxay ka doodeen 5ta cutub ee loo soo bandhigay, waxayna soo bandhigeen aragtidooda ku aadan Soojeedinta Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal.
  • Waxaa lagu balamey in Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka kula noqdaan Golayaashooda Wakiilada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kana keenaan jawaab iyo argati qoran oo ku aadan dhammaan cutubyadii horey loogu gudbiyey ka hor bilowga bisha November 2019 si loogu gudbiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  • Madasha Guddiyada Dastuurku waxay bogaadinaysaa dadaalka badan ee ay sameeyeen Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal oo soo dhameystirey dib u eegista dhammaan cutubyada Dastuurka KMG.
  • Shirka 5aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka wuxuu dhici doonaa dhammaadka bisha Novembar 2019 iyadoo goobta ay ka tashan doonaan xubnaha Madasha.

BAAQ

Madasha Guddiyada Dastuurka waxaa ay ugu baaqaysaa Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan dhameystirka Geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka lana siiyo mudnaanta koowaad sidii uu ku hirgeli lahaa Dastuurka. Madashu waxaa ay ku celinaysaa baaqeedii hore ee ahaa in Xukuumadda Federalka iyo kuwa dawladaha xubnaha ka ah heshiis deg deg ah ka gaaran qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si looga hortago dib-u-dhac ku yimaada dhameystirka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

MAHADNAQ

Madashu waxay mahadnaq weyn u jeedinaysaa Dawladda iyo Shacabka Puntland soo dhaweynta iyo martigelinta Madasha kulankeeda 4aad. Waxaa sidoo kale loo mahadnaqayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hay’adda UNDP iyo deeq bixiyaasha kale ee bixiya taageero siyaasadeed, mid farsamo iyo mid maaliyadeed ee Geedi-Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here