ayaa lagu qiimayay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadka 2019. Kulankaas oo ay sidoo goob joog ka ahaayeen khubaro ka socotey Hay’adaha UNDP iyo Max Planck ayaa hay’adaha u xil-saaran dib u eegista Dastuurka si qoto- dheer u falanqeeyeen dibna u eegeen tubta geedi socodka dib -u -eegista Dastuurka iyo qorshayaasha kale ee la jaanqaadayey.
Hay’adaha ka shaqeeya dib u eegista dastuurka ee heer federal waxa ay bogaadiyeen guusha laga gaaray dib u eegista dastuurka gaar ahaan dib u eegista dhanka farsamada ee lagu sameeyay 15 cutub ee Dastuurka KMG balse waxaa ay isla qireen in dib u dhac ku yimid arimaha wadaxaajoodka siyaasadeed u baahan, Ayadoo laga anbaqaadayo qorshahii hay’adaha dastuurka ee wakhti dhamaadkiisu ahaa December 2019 ayaa hadaba waxay ay isla meel dhigeen hay’adaha in loo baahan yahay wakhti dheeraad ah oo lagu dhamaystiro howlaha harsan dib u eegista dastuurka kaas oo ay isku afgarteen in howlaha dhiman lagu soo afjaro ugu danbeyn Juun 2020 ka horna loo gudbiya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .
Gabagabadii, hay’adaha dib-u-eegista dastuurka waxay ugu bishaaraynayaan umada Soomaaliyeed in geedi socodka dib-u-eegista dastuurka uu gabo-gabo yahay lana dhamaystiri doono inta dhiman sida ugu dhaqsiiyaha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here