Guddiga Madaxabanaan ayaa dhalinayarada Gobalka banaadir u qabtay kulan La-tashi ah oo ku saabsan Cutubyada Dastuurka GMG ah ee Dib U-eegista lagu sameeyay, shirkaan aya waxaa ka soo qayb galay Guddiga la socodka Datuurka ee BFS, ayadoo shirku inta uu socday lagu soo bandhigay geedi socodka dastuurku iyo doorka dhalinyarada ee dib u eegsita dastuurka.

Dhamaan dhalinyaradii ka qaybgashay ayaa soo bandhigay figrado wanaagsan iyo soo jeedino wax ku ool u ah dib u eegsita dastuurka, dhalinyrada oo ay ka muuqatay farxad iyo sida ay ugu qanacsan yahiin in lagalatashado dib U-Eegsita Dastuurka.

La-tashiga qaybaha kala duwan ee bulshada ee dib u eegista dastuurka ayaa sii socon doonta ayadoo uu Guddigu iyo hay’adaha kale ee dastuurku ay tagi doonaa dhamaan gobaladda dalka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here