Waxaa lagu soo gabo-gaboobey dalka turkey kulan howleedkii hay’adaha Dastuurka ugu socday intii u dhaxaysay 25 October ilaa 4 November ayadoo muddadii uu socday dulmar guud lagu sameeyey guud ahaan cutubyada Dastuurka sida Awoodaha heerarka kala duwan iyo Arrimaha Maamulka Maaliyada gaar ahaan maamulka dakhliga iyo kharashaadka, cutubka 10aad ee Garsoorka,, Awoodaha labada Aqal, Tirada Xubnaha Aqalka Sare iyo sida loo qaybinayo, Baahsanaanta Awoodda heerarka kala duwan ee Xukuumadaha Jamhuuriyadda Federaalka, cutubka 5aad-waa doodda iyo aragtida ay bixinayaan kubarada talada ka soo diyaariyey soojeedinta labada Guddi iyo cutubka 2aad ee Xuquuqda Aas-aasiga iyo Waajibaadka Mawaadinka.
Shirkii u dhaxeeyay hay’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ee ka socday Istanbul ayaa soo xirmay, waxaana lagu ballamay in laga miro-dhaliyo howlaha dib-u-eegista Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here