Soo Gudbinta Natiijada Dib-u-Eegida 2aad ee wax ka beddelka Dastuurka

Waxaad naga guddoontaan salaam qiimo badan,

Gudiga Madaxa-Bannaan ee Dib-U-Eegida iyo Hirgelinta Dastuurka Waxaa farxad u ah inuu halkaan idin kugu soo gudbiyo natiijada dib u eegidii 2aad ee wax ka beddelka Dastuurka Ku meel gaarka ah.

Waxaa guddigu dib u eegid labaad ku sameeyay dhamaan cutubyada Dastuurka taas oo isugu jirta kaabid, Ku daris, iyo toosin dheeraad ah waxaa kale uu daraasado ku sameeyay hannaanka maaliyadda guud iyo arrimaha awood qeybsiga oo ay daraasad oo ku lifaaqan haanka ugu xiran tahay nuqul ka dambeeyo dib u eegidda.

Nuqulka Dib-eegista-2aad ee qoraalka Dasuurku waxa uu ka kooban yahay 16 cutub, 159 qodobiyo 273 Bog oo ay raacsan yihiin daraasado laga sameeyay awood qeybsiga oo ku lifaaqan nuqulka wax ka beddelka Dastuurka kana kooban laba jadwal oo kala ah Jadwal 2 “A” oo ka hadlaya awoodaha gaarka ah ee Dowladda Federaalka iyo Jadwalka 2 “B” oo ka hadlayaa Awoodaha gaarka u ah ee Dowlad Goboleedyada.
Waxaa sidoo kale ku lifaaqan daraasad guud oo laga sameeyay mabaadi’da Maaliyadda guud oo ka kooban 10 qodob oo iyaga ku lifaaqan nuqulka 2aad.
Gun iyo gunnaanad waxa uu guddigu ku rajo weyn yahay in Guddiga la socodka Baarlamaanka uu biirin doono aragtidiisa wixii talo iyo tusaale ahna usoo gudbin doono Gudiga madax banaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here