Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiyada Dib u eegista Dastuurka ee heer Federaal oo kala ah Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka, Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Baarlamaanka FS senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid ayaa guddoonsiiyey Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Documentiyada wax-ka-badelka Dastuurka oo kala ah
1. Nuqulka qabyo qoraalka 2aad,
2. Warbixin sharraxaysa hannaanka dib u eegista iyo
3. Nuqulka Asalka Dastuurka ee sida KMG ah loo ansixiyey 1August 2012kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here