Hay’adaha dib-u-eegista Dastuurka ee Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, ayaa maanta oo Arbaco ah taariikhduna tahay 14 Oktoober 2020, la kulmay ra’iisul wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan oo ahaa is xog-wareeysi iyo wadatashi ayaa waxaa kasoo qaybgalay siihayaha Ra’iisul wasaare ku xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxayna Hay’aduhu u sharraxeen ra’iisul wasaaraha halka ay marsiinayaan dib-u-eegista Dastuurka, caqabadaha taagan iyo waliba arrimaha u dhiman oo ay rabaan in ay si dhaqsaa ku qabtaan.

Dastuurka oo isugu jira qodobo farsamo sida wax kudaris, ka dhimis iyo siiqayn iyo qodobo u baahan wada xaajood ayaa waxay Hay’adudu u sheegeen Ra’iisul wasaaraha in 80% oo ah qodobada farsamada dib u eegistoodu dhammaatay, halka inta dhiman oo ah 20% ne ay yihiin qodobo u baahan in ay wada xaajood siyaasadeed ka galaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qodobada u baahan in ay ka wada xaajoodan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo ah 9 ayaa ah kuwan soosocdo;

  1. Awood Wadaagga;
  2. Kheyraad Wadaagga;
  3. Hanaanka Cadaalladda;
  4. Qaab-dhismeedka Dowladda;
  5. Doorashooyinka;
  6. Hannaanka Maaliyadda(Fiscal Federalism);
  7. Maqaamka Caasimaddda;
  8. Hannaanka Amniga;
  9. Jinsiyadda (Citizenship).

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib markuu dhageystay bandhigyada iyo doodaha hay’adaha, wuxuu dhankiisa ballan qaaday inta ka dhiman mudo xileedka dowladda inuu ahmiyad gaar ah siin doono dhammeystirka Dastuurka uuna la-garab taagan yahay hiil iyo hooba, wuxuuna ku booriyay hay’adaha dib u eegista Dastuurka in ay shaqada dhiman si dhaqsaa u dardar galiyaan.

Sawirrada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here