Shirkii Wadatashiga Ha’adaha Dastuurka ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed ee soo gabo-gabeynta dib u eegista FARSAMO ee Dastuurka KMG ah ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13 November, 2020 lagu soo gabogabeeyay maagalada Muqdishu ee caasimadda Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka FS, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ku soo aadaya, Kadib markii laga soo laabtay Dowlad Goboleedyada lagana soo uruuriyay aragtiyadoodii ku aadanaa nuqulkii labaad ee Dastuurka oo ayna ka soo qaybgaleen Guddiyada Dastuurka Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada, Wasaaradaha Dastuurka Dowlad goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Shirkan oo socday saddex maalmood ayaa lagu soo gabo-gabeeyay dib u eegista FARSAMO ee Dastuurka KMG ah taas oo la rabo in laga soosaaro nuqulka saddexaad ee kama danbeysta ah dhanka farsamada, si loo horgeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu u meel mariyo kalfadhigiisan ayadoo ay tahay waxa la horgeeynaayo Baarlamaanka qodobada farsamada oo kaliya, halka kuwa wadaxaajoodka u baahan dib loogu dhigi doono Baarlamaanka imaan doona ee 11-aad.

Kasoo qaybgalayaasha shirka ee labada heer Dowladeed Federaalka iyo Dowlad Goboleedka ayaa yeeshay doodo dhadheer kadibna isku qaybiyay kooxo howleed si ay iskula soo meel dhigaan qodobo kooban oo dood ka taagneyd.

Shirkan oo intii uu socday ay ka hadleen madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada ee hay’adaha Dastuurka ayaa madaxdii ka hadlay waxa kamid ahaa Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka FS senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka mudane Saalax Axmed Jamac.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka oo shirka sooxiray ayaa yiri “Guddiyada dastuurku waxay soo dhammaystireen dastuurkii 85% farsamo ahaan, wxaana dhimman dhowr qodob oo uu dastuurku xusay in looga baahan yahay in ay kawada xaajoodaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, waxaan rabnaa in BFS ay ansixiyaan Dastuurka qaybta farsamada inta dhiman 15%, oo ah qodobada siyaasadda dib loogu wareejiyo Baarlamaanka 11aad haddii aan ka gaari wayno, waxuu hadalkiisa kusii daray, ma dooneyno in Dowladda soosocoto ay Dastuurka koow kasoo bilaawdo ee waxan rabnaa in inta dhiman oo ah qodobada wadaxaajoodka u baahan ay dhameystiraan” ayuu yiri senator Cabdi Xasan Cawale Qaybdid, wuuna sooxiray shirkii.

Hay’adaha dib u eegista Dastuurka oo dadaal dheeri ah soo-sameeyay ayaa rajeeynaya in ay dhameeyaan inta badan dib u eegista Dastuurka inta yar oo hartayna ay tahay qodobo u baahan in ay kawada xaajoodaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

 

SAWIRADA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here