Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista iyo dhammeystirka Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee kala ah Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay latashiyo ballaaran la yeeshen Maarso 2020, qaar kamid ah dowlad goboleedyada sida Dowlad Goboleedka Galmudug, Hir-shabelle iyo Koonfur-Galbeed waxyna u geeyeen nuqulkii labaad ee wax ka beddelka lagu sameeyay si waxii ay aragti ka qabaan looga soo-dhageysto.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa codsaday in la siiyo waqti ay kusoo akhriyaan ugana soo jabaaban waxii aragti ay ka qabaan nuqulkan cusub ee labaad, hay’adaha Dastuurkuna way ka aqbaleen.

Safar shaqo oo ay hay’aduhu ku aadeen dowlad goboleedyada bishaan Nofeember 7 – 10, 2020, ayaa ujeedadiisu eheyd “Soo Uruurinta Aragtida Dowlad Goboleedyada Ee Ku Aadan Nuqulkii 2aad Ee Dib-U-Eegista Dastuurka Lagu Sameey”.

Waxaa kale oo ujeedada safarka hay’adaha kamid eheyd maadaama uu waqtigii Dowladda Federaalku gabaabsi yahay, in loo sheego Dowalad Goboleedyada in Dastuurka loo kala qaybiyay labo qabyood oo kala ah.

  1. Qodobbo Wadaxaajood Siyaasadeed u baahan oo ay tahay in ay ka heshiiyaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleddyda (~20%) iyo
  2. Qodobo Farsamo oo an wax wadaxaajood ah u baahneyn (~80%).

Ujeedada kala-qaybintan Dastuurka ayaa ah in qaybta farsamada oo ah inta badan ee Dastuurka dib loo saxay la horgeeyo Baarlamaanka FS kalfadhigiisan inta uusan xirmin si ay u ansixiyaan.

Ugudanbeyntii safarkii hay’adaha Dastuurka ee heer federal ku aadeen Dowald Goboleedyada si ay usoo Uruuriyaan Aragtida Dowlad Goboleedyada Ee Ku Aadan Nuqulkii 2aad Ee Dib-U-Eegista Dastuurka Lagu Sameeyay ayaa si guul ah kusoo dhamaaday.

SAWIRADA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here